icon-facebook icon-instagram icon-pinterest icon-soundcloud icon-twitter icon-youtube

Maxkamada Sarre ee Fiktooriya

Ku dhegayso ama ku akhri boggaan luqad kale

Waxaad ku maqli kartaa boggaan luqad kale ama ku dhegayso Ingiriis adiga oo riixiya icon-kaan ku yaalla bogga webka korkiisa.

Waxaad ku akhriyi kartaa boggaan luqad kale adiga oo riixiya bottonka ‘Other Languages’ ku yaalla dhakada web-kabutton.

Tusahaani wuxuu ka kooban yahay macluumaad guud keliya loogamana jeedo in uu ahaado talo sharci ah.

Fasirida iyo Tarjumida – caawinta telefoonka

Haddii aad u baahan tahay turjuman lsi uu kuugu waco Maxkamada Sarre isaga oo magacaaga ku hadlaya, fadlan wac Translating and Interpreting Service (Adeega Fasirida iyo Tarjumida) tel:131 450 ka dibna Ingiriis ku sheeg magaca luqadaada. Markaas ka dib weydii turjumaanka inuu waco Maxkamada Sarre ee Fiktooriya tel: 03 8600 2000.

Nambarada meelaha kala duwan hoos ayaa lagu muujiyey. Liiska oo dhan ayaa laga hellaa ‘Contact us’ (nala soo xiriir) bogga websaytkayaga: https://www.supremecourt.vic.gov.au/contact-us.

Waxaad ka eegi booqan kartaa Translating and Interpreting Service (Websaytka Fasirida iyo Tarjumida) macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan adeega.

Wixii ku saabsan Maxkamada Sarre ee Fiktooriya

Maxkamada Sare waa midda ugu sarraysa Fiktooriya. Waxay dhegaysataa kaysaska Dembiga iyo kuwa madaniga ah kuwaas oo ah kuwa ugu adag uguna culusmmistranslation dowlad-goboleedka. Waxay kaloo dhegaysataa rafcaanada qaarkood ee Maxkmadaha Fiktooriya iyo kuwa loo yaqaan Taraybuunalka.

Kaysaska ay qaado Maxkamada Sarre

Macluumaad intaas ka badan oo xaalladaha hadda Maxkamada hor yaalla, ka fiiri liiska La-dhegaysanayo Maalin walba oo laga hello: www.supremecourt.vic.gov.au/daily-hearing-list

Kaysaska lagu qaaday Melbourne

Kaysaska Maxkmadaha Sare badankood waxaa lagu qaadaa Melbourne. Kaalandarka Maxkamada Sarre ee Melbourne waxaa laga helli karaa www.supremecourt.vic.gov.au/going-to-court/court-calendar

Kaysaska lagu qaado Gobolada

Maxkamada ayaa iyaduna safarta si ay dhegaysato dacwado meello ku kala yaalla Fiktooriya gudaheeda meelahaas oo ay ku jiraan Ballarat, Bendigo, Geelong, Hamilton, Horsham, Morwell, Mildura, Sale, Shepparton, Wangaratta, Warrnambool iyo Wodonga.
Dhegaysiga kaalandarka ee gobolada waxaa laga helli karaa websaytka ah: www.supremecourt.vic.gov.au/going-to-court/court-calendar/regional-circuit-court-calendar

Macluumaadka cidda lala xiriirayo ee dacwadaha lagu qabtay Gobolada (‘xeer-doon’)

Maxkamada Rafcaanka xeer-doonta: email: pbnertvfgel@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@yrtsigeraoc

Qaybta Qaanuunka Guud ee xeer-doonta madaniga ah: email: pvivy.pvephvgf@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@stiucric.livic

Xeer-doonta Qayb Dembiyeedka: email: pevzvanyqvivfvba@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@noisividlanimirc

Tegida Maxkamada

Waa dhici kartaa inaad fadhiisato maxkamad lana socoto dacwadaha badankood ay qaadayso Maxkamada ugu Saraysa. Booqo bogga attending court (Tegida Maxkamada) wixii macluumaad dheeraad ah.

Supreme Court of Victoria(Maxkamada Sare ee Fiktooriya): The highest court in Victoria (Maxkamada ugu Sarraysa Fiktooriya) qoraalka waa la soo degsan karaa.

Kharashka

Liistada kharajka hadda ah waxaa laga helli karaa websaytka, ama qoraal ka yimid Madaxa diiwaangelinta ama Maxkamada Diiwaangelinta Rafcaanka.

Ma jiro kharash ama ujro la xiriirta arrimaha laga soo qaatay Qaybta Dembiga.

Ka-dhaafista kharajka

Haddii ay kuu keenayso cadaadis dhaqaale inaad bixiso kharajka, waxaa laga yaabaa inaad kharash-ka-dhaafid codsato (taas oo macneheedu tahay in aadan bixinayn kharajka) adiga oo buuxinaya Fee Waiver Application form (Foomka Dalabka ka-dhaafista kharashka).

Qaab-dhismeedka Maxkamada Sare

Maxkamada Sarre waxay ka kooban tahay Qaybta Dacwad-Qaadida iyo Maxkamada Rafcaanka. Maxkamadu waxay kaloo bixisaa dhowr adeeg oo maamul.

 

Structure dia

 

Macluumaadka ku saabsan sida xaakimada loogu meeleeyo qaybaha kala, waxaa laga helli karaa Judicial Organisational Chart (Jaartada Hanaanka maxkamad sharciyeed)

Wixii la xiriira Maxkamada Rafcaanka

Court of Appeal (Maxkamada Rafcaanka) waxay go’aan ka gaartaa rafcaanada ka soo horjeeda go’aanada ay samaysay Maxkamada Arrimaha Madaniga (County Court) oo ay sameeyeen xaakimada Qaybta Dacwadaha ee Maxkamada Sarre. Waxay kaloo go’aan ka gaartaa rafcaanada laga keenay go’aano uu sameeyey Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenka Maxkamada Maamulka iyo arrimaha Madaniga ee Fiktooriya (VCAT).

Maxkamadu waxay go’aamisaa haddii dacwada si cadaalad ah loo qaaday, iyo in qaanuunka loo dabakhay si sax ah. Badanaa laba ama saddex xaakim ayaa dhegaysan doona rafcaanka.

Xaalladaha badankood dalabka waxaa waajib ah in la sameeyo iyada ogolaansho laga haysto Maxkamada Rafcaanka si loo keeno maxkamada. Taas waxaa loogu yeeraa ‘raadinta ogolaashaha rafcaanka’.

Macluumaadka cidda lala xiriirayo

Tel: 03 8600 2001

Email: pbnertvfgel@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@yrtsigeraoc

Wixii ku saabsan Qaybta Dib-u-eegista

Qaybta Dib-u-eegistu waxay leedahay dhowr qaybood oo kala duwan. Kuwaas hoos ayaa lagu sharxay.

Qaybta Dembiga

Criminal Division (Qaybta Dembiga) ee Maxkamada Sarre ee Fiktooriya waxay dhegaysataa dembiyada culculus sida dilka, kama’ u dilista, isku deyida dilka, iyo argagixisada.

Xaakimada Qaybta Dembiga waxay kaloo dhegaystaan dalabyada hoos imanaya dhowr xeer, kuwaas oo ay ku jiraan Xeerka Damiinashada ee 1977.

Macluumaadka cidda lala xiriirayo:

Diiwaanka Dembiyeed: Tel: 03 8600 2059, Email: pevzvanyqvivfvba@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@noisividlanimirc .

Maxkamada Ganacsiga

Commercial Court waxay dhegaystaan khilaafaadka Ganacsiga ee qalafsan (ganacsi-la-xiriira). Dacwad kasta waxaa la geliyaa ‘liiska’ Maxkamada Ganacsiga si uu u maariyo Sarkaal maxkamadeed. Waxaa kaloo jira liiska kuwa khusuusiga ah kuwaasoo wax ka qabta dacwadaha ku lugta leh dhinacya gaara oo qaanuunka.

Macluumaadka cidda lala xiriirayo:

Diiwaanka Maxkamada Ganacsiga: Tel: 03 8600 2002, Email: pbzzrepvnypbheg@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@truoclaicremmoc

Arrimaha dhab ahaan degdegta ah waxaa dhegaysan kara Xaakimka Shaqada ku jira ee Maxkamada Ganacsiga

  • Saacadaha shaqada (9.00 subaxii – 5.00 galabtii): Tel: 03 8600 2002
  • Saacadaha shaqada dibada ka ah iyo maalmaha Axada iyo Sabtida: Tel: 0439 153 522 ama haddii aan la heli karin 0447 054 310.

Qaybta Qaanuunka Guud

Common Law Division (Qaybta Qaanuunka Guud) waxay maaraysaa dacwado kala duwan, oo ay ku jiraan dhaawac shakhsi soo gaaray, masuuliyad mihnadeed (dacwad uu keenay qof wax ku gaareen dayacaad ka timid ka xagga mihnada) hanti, iyo dhaxal iyo khilaaf hanti ma guurta ah. Waxay kaloo dhegaysataa rafcaanada qaarkood, dib u eegida go’aanada ay sameeyeen hay’ado dadweyne iyo saraakiil.

Dacwada waxaa la geliyaa liiska takhasuska. Liis kastaa wuxuu wax ka qabtaa jaha mucayina waxaana maareeya sarkaal sharciyeed kaas oo leh aqoon takhasus ah ee jahada qaanuunkaas. Wargelinta mihnadeed – Specialist Lists in the Common Law Division (Liisaska takhasuska Qaybta Sharciga Guud) - waxay bixisaa magacyada liisaska takhasuska iyo sharaxaad kooban ee noocyada dacwada ku haboon liis kasta. Qaybta arrinta bilawda dacwada waxaa waajib ku ah inay magacawdo liiska takhasuska dacwada.

Macluumaadka cidda lala xiriirayo

Diiwaanka Sarre (Qaanuunka Guud): Tel: 03 8600 2008.

Arrimaha Qaanuunka ee Asal ahaan degdegta ah waxaa lagu dhegaysan karaa Practice Court (Maxkamada arrimaha guud)

  • Waqtiyada saacadaha shaqada (9.00 subaxii – 5.00 galabtii): Tel: 03 8600 2036, Email: cenpgvpr.pbheg@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@truoc.ecitcarp
  • Waqtiga ka baxsan saacadaha shaqada iyo maalmaha Sabtida iyo Axada: Tel: 0412 251 757

Maxkamada Kharashka

Costs Court (Maxkamada Kharashka) waa dhegaysiga meesha uu ka jiro khilaafaadka qiimaha la xiriira kaysaska laga dhegaystay Maxkamada Sarre, Maxkamada County Court-ka, Maxkamada Hoose iyo Maxkamada Maamulka iyo Arrimaha Madaniga ah (VCAT). Waxay kaloo dhegaysataan kharashka lagu muransan yahay ee u dhexeeya garyaqaanada iyo macaamiishooda.

Maxkamada Kharashka waxay baartaa qiimaha waxayna samaysaa qiimayn (habkaan waxaa loogu yeeraa ‘kharashaadka ‘cashuurta’). Tusaale ahaan, Maxkamadu waxaa laga yaabaa inay hoos u dhigto kharaska biilka garyaqaanka, ama waxaa laga yaabaa inay amarto in hal dhinac uu bixiyo qiimaha dhinaca kale.

Macluumaadka cidda lala xiriirayo:

Tel: 03 8600 2007

Email: pbfgf.pbheg@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@truoc.stsoc

Ma ka fekeraysaa inaad adigu is matasho (garyaqaan la’aan) arrin maxkamadeed?

Qofka is matalaya ee Dacwada Maxkamada Sarre Xiriiriyaha ayaa ka caawin kara:

  • Sida wax loo qabanayo iyo nadaamka la raacayo (laakiin maaha arrimaha sharciga)
  • Macluumaadka ku saabsan hababka kale oo lagu xalinayo khilaafaadka
  • Wuxuu kugu hagayaa inaad adigu iska matasho dacwooyin kala duwan.

Cidda lagala xiriirayo macluumaadka xiriiriyaha SRL

Haddii aad jeclaan lahayd inaad la kulanto xiriiriyaha SRL fadlan samayso ballan:

Tel: 03 8600 2031

Email: Haercerfragrq@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@detneserpernU

Xafiiska xiriiriyuhu wuxuu ku yaalla Supreme Court Principal Registry

Adeegyada Maxkamada

Diiwaanka Weyn

Supreme Court Principal Registry (Diiwaanka weyn ee Maxkamada Sarre) wuxuu qabtaa hawlo badan oo kala duwan kuwaas oo ay ku jiraan:

  • Si amaana u xafidida faylasha Maxkamada
  • Bixinta amarka khasab ku keenida (dukumintiyo ku khasbaya qofka inuu yimaado maxkamada si uu bixiyo markhaanti, ama u keeno dukuminti cadaynaya kayska)
  • Keenida dukuminti sharci ah wadanka dibadiisa
  • Bixinta koobiyada dukumintiga
  • Bixinta talada habka wax u socdaan arrimaha degdegta
  • Ururinta ujrooyinka maxkamada

Shaqaalaha Diiwaanka kuma siin karaan talo sharciyeed. Waxay kaa caawin karaan macluumaad guud oo ku saabsan maxkamada, habka wax u socdaan iyo talaabooyinka la qaadayo.

Macluumaadka cidda lala xiriirayo:

Tel: 03 8600 2004

Cinwaanka:

451 Little Bourke Street

Melbourne VIC 3000

Saacadaha Shaqada: 9.30subaxii ilaa 4 galabtii Isniinta ilaa Jimcaha, marka laga saaro maalmaha fasaxa dadweynaha

Dhaxalka iyo Caddaynta

Probate Office(sarkaalka caddayntu) wuxuu la xaalla dhamaan dalabyada:

  • bixinta caddaymaha (dukuminti ay maxkamadu bixiso, kaas oo ogolaanaya in fuliyuhu ama maamuluhu la xaallo qofka dhintay hantidiisa), iyo
  • maamulka (marka qofka dhintay aanu ka tegin Dhaxal).

Xafiiska Caddayntu wuxuu ku siin karaa macluumaad guud oo ku saabsan:

  • Deeqaha caddaynta iyo maamulka hantida qofka dhintay
  • Dalbashada caddaynta ama maamulka
  • Adeega ‘Hantida yar’
  • Baarista diiwaanada caddaynta
  • Foomamka caddaynta iyo kharajaadka

Macluumaadka cidda lala xiiriirayo

Tel: 03 8600 2000 (Xalka 1aad)

Email: cebongr@fhcpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocpus@etaborp

Cinwaanka:

451 Little Bourke Street

Melbourne VIC 3000

Saacadaha shaqada: 9.30subaxii ilaa 4galabta Isniinta ilaa Jimcaha, marka laga saaro maalmaha fasaxa dadweynaha

Lacagaha maxkamadda yaal

Funds in Court(dhaqaalaha Maxkamada) waxaa caawima xaakim gaara oo loogu yeero Senior Master (Madax Sarre) xagga maaraynta dhamaan lacagaha lagu bixiyo Maxkamada arrimaha madaniga ah. Lacagahaas waxaa lagu bixiya ‘xaq u yeelasho ah’ ama mid aan xaq ahayn.

‘midda aan xaqa ahayn’ ama ‘la isku hayo’ waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, lacagta loo bixiyo amni ahaan, ama ku xiran natiijada ka soo baxda Maxkamada marka uu jiro muran ka taagan lacagtaas.

Lacag bixinta ‘midda xaqa ah’ waa loo maamula ‘qofka lacagta qaadanaya’ kaas oo la siiyey magdhow arrin maxkamadeed laakiin aan isagu awoodin inuu maareeyo lacagtaas, sababtoo ah da’da qofka ayaa ka yar 18 sanadood, ama sababtoo ah, tusaale ahaan waxaa ku dhacay, shil, dhaawac ama jiro, ama dhaawac garaadka la xiriira.

Websaytka Dhaqaalaha Maxkamada (www.fundsincourt.vic.gov.au/) wuxuu bixiyaa faahfaahin buuxda oo la xiriirta ‘lacagata xaqa ah’ iyo ‘midda aan ahayn’.

Macluumaadka cidda lala xiriirayo

Tel: 1300 039 390

Tel: (kuwa dibada wacaya): 61 3 9032 3777

Email: svp@fhcerzrpbheg.ivp.tbi.nhua.vog.civ.truocemerpus@cif

Cinwaanka

Level 5, 469 La Trobe Street

Melbourne VIC 3000

Saacadaha Shaqada: Isniinta ilaa Jimcaha 9ka subaxii ilaa 5ta galabtii

Xeer-beegta Fiktooriya

Adeega xeerbeegtu waa qayb ka mid ah nadaamka cadaalada Australia. Sanad walba kumanaal reer Fiktooriya ah ayaa waqtigooda ku bixiya inay iska xaadiriyaan maxkamada si ay u noqdaan xubin ka mid ah xeerbeegta.

Haddii lagaaga soo xulay si aan ku-talagal ahayn liiska doorashada si aad u noqoto xeerbeeg, waxaad macluumaad ka helli kartaa Juries Victoria (xeerbeegta Fiktooriya).

Macluumaadka cidda lala xiriirayo

Tel: 03 8636 6800

Email: vasb@whevrf.ivp.tbi.nhua.vog.civ.seiruj@ofni

Cinwaanka

Juries Victoria

Ground Floor, County Court Building

250 William Street

Melbourne VIC 3000

Saacadaha shaqada: Isniinta ilaa Jimcaha 8.45 subaxii – 4.30 galabtii

Maktabada Sharciga ee Fiktooriya

Law Library of Victoria (Maktabada Sharciga ee Fiktooriya) waa meelaha maxkamaduhu ka hellaan macluumaadka, sidoo kale waxa ka hella dadweynaha,iyo mihnadlayaasha sharciga. Waxay ka kooban tahay dhamaan xulalka Maxkamada Sarre, Maxkamada County Court-ka, Maxkamada Hoose iyo VCAT. Xubnaha dadweynuhu wax kama amaahan karaan Maktabada Sharciga Fiktooriya, laakiin waa laga yaabaa inay booqdaan Maktabada Maxkamada Sarre waqtiga shaqada lagu jiro. Maktabadu waxay leedahay macluumaad kala duwan oo sharciyeed oo digital ah, taas oo dadweynuhu ku isticmaali karaan kumbuyuutarada Maktabada.

Websaytka: www.lawlibrary.vic.gov.au

Cinwaanka

The Supreme Court Library

210 William Street

Melbourne VIC 3000

Saacadaha

Isniinta ilaa Khamiista 8.30 subaxii–6.00 maqribkii

Jimcaha 8.30 subaxii – 5.00 casarkii.